Chelsea Oo Afduubanaysa Dheemanka Arsenal Ee Uu Dayacay Mikel Arteta

0
57

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda Chelsea ayaa u dhaqaaqaysa xiddiga Arsenal ay kaydka ku illowday ee Emile Smith Rowe oo uu tababare Mauricio Pochettino qorshaynayo inuu ku xoojiyo safkiisa, isla markaana keeno Stamford Bridge ka hor inta aanu xidhmin suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga.

Blues ayaa la sheegay in ay calmatay kubbad-sameeyahan hibada badan, waxaana si gaar ah qorshaha iibkiisa uga shaqaynaya Pochettino.

Wargeyska Daily Mail oo helay xogta qorshaha Chelsea ay kusoo qafaalanayso laacibka Arsenal oo dhowaan saxeexay heshiis uu u saxeexay Gunners, balse hadda ay muuqato in aanu doonayn inuu sii joogo maadaama ay u muuqato in aanu boos ka helaynin Arsenal oo uu tababare Mikel Arteta ka doorbidayo ciyaartooyo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here