Manchester United Oo Qarka U Saaran Inay Saxiix Cusub Sameyso.

0
38

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester United ayaa qarka u saaran inay dhameystirto saxiixa Atlay Bayindir iyadoo goolhayaha Fenerbahce uu ku sugan yahay dalka Ingariiska si uu heshiiska u dhameystiro.

Tababaraha Shayaadiinta Cas Cas Erik ten Hag ayaa isha ku haya inuu xoojiyo kooxdiisa ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga xagaaga 1da bisha September.

Sida uu goor dhaweyd sheegay khabiirka suuqa kala iibsiga Fabrizio Romano, goolhayaha Turkiga ayaa ku sugan Ingariiska ka hor ku biiristiisa Manchester United.

Manchester United ayaa la fahamsan yahay inay goolhayahaan ku iibsaneyso 7 milyan euro, waxaana la filayaa inuu tartan gelin doono goolhayaha cusub ee Manchester United Andre Onana.

Hishiiska Atlay Bayindir ayaa ka dhigan in goolhayaha labaad ee Manchester United Dean Henderson inuu u wareegayo kooxda Premier League ka ciyaarta ee Crystal Palace.

Bayindir ayaa wacdarro u dhigayay xilli ciyaareedyadii ugu danbeysay kooxda Fenerbahce waana goolhaye ku fiican kubadaha gadaal laga soo dhiso ee uu aadka u daneynayo tababare Erik ten Hag.

Dhanka kale Manchester United ayaa baadigoobeysa xiddig khadka dhexe, waxaana lala xiriirinayaa xiddiga Fiorentina Sofyan Amrabat kaasoo mar kale caawa laga saaray liiska kooxda Talyaaniga.

Inkastoo uu Amrabat doonayo inuu u wareego horyaalka Premier League oo ay sidoo kale xiiseyneyso Liverpool hadana midkoodna labada kooxood weli dalab rasmi ah kama aysan gudbinin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here