Chelsea Oo Xasuuqday Luton Gaartayna Guushoodii Ugu Horeysay Xilli Ciyaareedka Premier League

0
46

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Chelsea ayaa gaartay guusheedii ugu horeysay ee xilli ciyaareedka Premier League ka dib markii ay 3-0 ku dubteen kooxda heerka labaad ka soo dalacday ee Luton oo marti ku aheyd Stamford Bridge.

Raheem Sterling ayaa dhaliyay labo gool halka Gusto uu labada gool ee Sterling uu caawiye ka ahaa, iyadoo goolka seddexaad oo uu Sterling caawiye ka ahaa uu saxiixay Jackson.

Waa guushoodii ugu horeysay ee xilli ciyaareedka ka dib barbarihii ay la galeen Liverpool iyo guuldaradii ka soo gaartay West Ham.

Chelsea ayay ku qaadatay daqiiqadii 17aad inay hogaanka u qabato ciyaarta markii Gusto uu kubad u dhiibay Raheem Sterling kaasoo si wacan kubada uga shaqeysiiyay ka hor inta uusan shabaqa dhex dhigin.

Goolkaas ka dib Chelsea ma aysan sameynin wax badan, xaqiiqdiina kaliya hal darbo kale oo goolka ku bartilmaameedsan ayay heleen ka hor dhamaadkii qeybta hore ee ciyaarta, iyadoo lagu kala nastay 1-0 oo ay Chelsea hogaanka ku heyso.

Daqiiqadii 68aad ay heshay goolkeedii labaad ee ciyaarta markii kubad uu garabka midig ka soo dhigay Gusto uu shabaqa si fiican ugu hubsaday Raheem Strerling oo ay u aheyd goolkiisii labaad ee ciyaarta.

Daqiiqadii 75aad waxaa ciyaarta hurdo u diray Jackson oo dhaliyay goolkiisii ugu horeysay ee Chelsea, isagoo ka faa’ideystay kubad uu ka helay Raheem Sterling.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 3-0 ay Chelsea ku xasuuqday Luton kuna gaartay guushoodii ugu horeysay ee xilli ciyaareedka Premier League.

XIDDIGA GAROONKA:

Raheem Sterling (Chelsea) – Labo gool ayuu dhaliyay oo mid ka mid ah uu si cajiib ah uga shaqeeyay, wuxuuna caawiye ka ahaa goolka seddexaad ee ciyaarta. Waxa uu xilli ciyaareedkan ku bilowday sidii ugu fiicneyd, wuxuuna u muuqdaa xiddiga xilli ciyaareedkan hogaamin doona Chelsea. Isfahamka kala dhaxeeya Gusto iyo Jackson ayaa ah mid uu Pochettino ku farxi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here