Carlo Ancelotti Oo Ka Hadlay Dhaawaca Vinicius Junior.

0
40

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tababaraha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa shaaciyey muddada uu garoomada ka maqnaan doono xiddiga reer Brazil ee Vinicius Junior oo ku dhaawacmay kulankii ay guusha cidhiidhiga ah kasoo gaadheen Celta Vigo ee ay sida buuxda ugula wareegeen hoggaanka horyaalka LaLiga.

Real Madrid ayaa sii wadda guulaha xidhiidhka ah ee ay ku bilaabatay xilli-ciyaareedka, waxaana mar kale guusha ku hoggaamiyey Jude Bellingham oo dhaliyey goolka madiga ah ee ay xalay kaga soo adkaadeen Celta Vigo oo ay marti u ahaayeen.

Guushan ayaa waxa qasay dhaawac soo gaadhay Vinicius Junior oo garoonka ka baxay daqiiqaddii 17aad ee bilowga ciyaarta, taas oo walaac ku abuurtay taageereyaasha kooxdaas, maadaama aanay haysanin weeraryahan kale oo booskaas buuxin kara, isla markaana uu ka tegay hoggaamiyihii weerarka ee Karim Benzema.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here