Trump oo wax cajiib ah kala kulmay xabsiga.

0
78

Jowhar-(Radio Isnaay) Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa isgeeyayxabsi ku yaala gobolka Georgia. Trump ayaa wajahaya eedeymo la xiriira doorashadii madaxtinimo ee Mareykanka, oo ah inuu isku dayay inuu bedelo natiijada doorashadaas oo dhacday sanadkii 2020 kii.

Waa markii ugu horeysay oo uu madaxweyne hore uu xabsi tago. Sawirro ayaa laga qaaday, wuxuuna Trump noqonayaa madaxweynihii ugu horeeyay abid ee laga qaado sawir maxbuusnimo.

Trump ayaa markii dambe bixiyay lacag 200,000 oo doolar, si loogu siidaayo damaanad oo laga siidaayo xabsigaas ku yaala magaalada Atlanta

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here