Maraykanka oo cunaqabatayn ku soo rogay dad u ku sheegay in ay hurinayaan colaadda DR Congo

0
56

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Qasnadda Maraykanka ayaa Khamiistii ku dhawaaqday inay cunaqabatayn ku soo rogtay lix qof oo u dhashay Rwanda iyo Congo oo lagu eedeeyay inay gacan ka geysteen colaadda ka socota bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DR Congo).

“Mid kasta oo ka mid ah shaqsiyaadkan waxa uu gacan ka geysanayaa xasillooni darrada ka jirta bariga DR Congo, marar badan, xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, oo ay ku jiraan xadgudubyada galmada iyo rabshadaha ka dhanka ah carruurta,” ayay waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ku tiri hadal ay soo saartay.

Lixda qof waxaa ku jira taliye ka tirsan ciidamada DR Congo, guuto ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Rwanda, iyo xubno ka tirsan kooxda M23 iyo ciidamada Dimuqraadiga ee Xoreynta Rwanda (FDLR).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here