Daaficii Manchester City Oo Si Rasmi Ah U Baxay Kuna Biiray Kooxda Cristiano Ronaldo

0
45

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Daafaca Manchester City Aymeric Laporte ayaa si rasmi ah u shaaciyay inuu ka tagay kooxda Premier League ka dhisan ka dib muuqaal uu soo dhigay barahiisa bulshada.

Laporte ayaa ku biiray kooxda horyaalka Sacuudiga ka dhisan ee Al Nassr ka dib shan sannadood iyo bar uu joogay kooxda Manchester City.

Xiddiga reer Spain ayaa noqonaya laacibkii ugu danbeeyay ee ka tagaya Yurub una wareego horyaalka Sacuudiga wuxuuna Sacuudiga kula midoobayaa saaxiibkiisii Man City Riyad Mahrez kaasoo bishii la soo dhaafay ku biiray kooxda Al Ahli.

Warkaan wuxuu niyadjab ku yahay Arsenal oo xagaagan oo dhan xiiseyneysay daafaca dhexe ee Man City Aymeric Laporte, waxay xitaa wadahadalo la yeesheen wakiilkiisa balse ciyaaryahanka ayaa ka doortay inuu raaco lacagta Sacuudiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here