Racfaankii Ay Liverpool Ka Qaadatay Casaankii Mac Allister Oo Lagu Guuleystay

0
50

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiriirka kubada cagta Ingariiska ayaa ka noqday casaankii tooska ahaa ee la siiyay xiddiga khadka dhexe ee Liverpool Alexis Mac Allister kulankii Bournemouth taasoo ka dhigan inay meesha ka baxday ganaaxii seddexda kulan ee uu mari lahaa.

Garsoore Thomas Bramall ayaa casaan toos ah siiyay Mac Allister ka dib markii uu qalad ku galay Ryan Christie iyadoo ciyaarta ay 30 daqiiqo ka harsan tahay. Liverpool ayaana ugu danbeyn ku badisay 3-1.

Xiddiga ku guuleystay Koobka Adduunka ayaa aheyd in laga ganaaxo seddexda kulan ee soo socota ee ay la ciyaarayaan Newcastle, Aston Villa iyo Wolves laakiin haatan midkoodna ma seegayo kulamadaas.

“Guddi madax banaan ayaa ka laabtay ganaaxii seddexda kulan ee la duldhigay Alexis Mac Allister ka dib markii la sheegay in si qaldan casaan loo siiyay” ayay FA-ga ku soo qoreen Twitter.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here