Trump oo sheegay in dhowaan la xiri doono

0
83

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Donald Trump ayaa sheegay inuu qorsheynayo inuu Khamiista is geeyo maxkamad ku taalla gobolka Georgia si uu u wajaho eedeymo ku saabsan faragelinta doorashada.

Xaakim ku sugan gobolka Atlanta oo gacanta ku haya kiiska madaxweynihii hore ayaa soo jeediyay in damaanad dhan $200,000 (£157,000) uu Trump bannaanka ku joogo.

Heshiiskan ayaa ka dhigan in Mr Trump uu xor sii ahaan karo muddo dheer isagoo sugaya maxkamadeyn maaddaama uusan isku dayeynin inuu cabsi geliyo marqaatiyaasha.

Mr Trump ayaa beeniyay 13 kiis oo loo heysto, waxaana ka mid ah warar been abuur ah.

Trump ayaa laga doonayaa inuusan u hanjabin oo uusan cabsi gelin cid walboo kiiskan ku lug leh sida marqaatiyaasha.

Waxaa heshiiska damaanadda wada saxiixay xeer ilaaliyaha degmada Fulton, Fani Willis, iyo qareennada Mr Trump.

Gelinkii dambe ee shalay Mr Trump ayaa bartiisa, Truth Social kusoo qoray: “Ma rumeysan kartaa? Waxaan Khamiista u socdaa Atlanta, Georgia, si ay ii xirto xeer-ilaaliyaha degmada ee xagjirka ah, Fani Willis.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here