Raphael Varane Oo Ka Tegaya Manchester United

0
82

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Koox horyaalka waddanka Sucuudiga ah ayaa dalab weyn oo uu dhiisha faqriga ku tuurayo u bandhigtay difaaca Manchester United ee Raphael Varane, waxaanay naxdin ku rideen tababare Erik ten Hag maadaama uu xidhmayo suuqa iibka ciyaartoyda oo ay ku adkaanayso inay beddelkiisa helaan waqtigan.

Sucuudiga ayaa culays badan ku haya ciyaartoyda kooxaha waaweyn ee Yurub oo ay ka qaateen xiddigo waaweyn, waxaanay wali sii wadayaan in ay lacag ku jiitan ciyaartooyo la filayay in ay waqti dheer ku qaataan naadiyaadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here