Pep Guardiola Oo Garab Weydiistay Taageereyaasha Kulanka Newcastle

0
72

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa qaylo-dhaan u dirsaday taageereyaasha kooxdiisa ka hor ciyaarta Sabtida ee ay garoonka Etihad Stadium ku martigelin doonaan kooxda sida weyn loo dhisay ee Newcastle United.

Man City oo toddobaadkan kusoo guuleysatay koobka UEFA Supercup oo ay rikoodheyaal 5-4 ah kaga adkaatay Sevilla ayaa waxa uu tababare Pep Guardiola sii qirayaa in ay khatar weyn kusoo waajahan tahay isaga oo ka baqaya Newcastle.

Sky Blues oo guul 3-0 ah ka gaadhay Burnley ciyaartii koowaad ee horyaalka Premier League ee toddobaadkii hore, ayaa waxa uu Pep Guardiola farriin u diray taageereyaasha kooxdiisa oo uu ka codsaday in ay garoonka usoo buuxiyaan kulanka Newcastle United, iyadoo kooxdiisu la daalaa-dhacaysa taageereyaasha oo aan kasoo xaadirin garoonkaa oo ay qaybo badan iska bannaanaadaan.

Pep Guardiola oo la hadlay saxaafadda ayaa yidhi: “Waxa aanu u baahanahay dadkayaga [taageereyaasha Man City], in badan oo sidii hore ka baahan ayaanu idiin baahanahay.

“Waxa aan rajaynayaa in berri aynu soo buuxin doono garoonka kulanka Man City. Fadlan nala jooga, sababtoo ah kuma jirno waqtigeenii fiicnaa.”

Pep Guardiola oo la weydiiyey haddii hadalkiisu ka dhigan yahay in aanay diyaar u ahayn ciyaarta Newcastle ayaa waxa uu ku jawabaay: “Dabcan diyaar ayaanu u nahay Newcastle. Waxa aanu haysanaa koox doonaysa inay wax walba ku guuleysato, waananu u baahanahay loollan nooca Newcastle oo kale ah, laakin waxa nasoo food-saaray dhibaatooyin dhaawacyo ah illaa sannadka cusub. Waa caqabad aanu doonayno in aanu ka gudubno.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here