Dowlad gacanta ku dhigtay dameerro si sharci darro ah looga dhoofin rabay dalkeeda

0
65

Jowhar – ( Radio Isnaay 0 – Waaxda canshuuraha ee dalka Nigeria ayaa garoonka diyaaradaha ee Lagos ku qabatay xubno dameerro iyo lafo kalluun oo lagu qiimeeyay N1.23bn, kuwaasoo la doonayay in loo dhoofiyo Shiinaha iyo Hong Kong.

Qoraal ay soo saartay Hay’addaasi Khamiistii shalay, ayaa lagu sheegay inaanu arag qaybaha gaarka ah ee Dameerahaasi, isla-markaana ay u suurtagashay inay gacanta ku dhigaan waxyaabo sharci darro ah.

Taliyaha hay’addaasi ee gobolkaasi Muxamed Yuusuf ayaa sheegay in muwaadin u dhashay dalka Shiinaha uu xubinta taranka ee dameeraha ka soo qaaday magaalada Abakaliki ee gobolka Ebonyi, isagoo ujeedkiisu ahaa inuu u qaado dalkiisii ​​hooyo.

“Dameeruhu waa xoolo dabar go’aya, markaa waxaan bilownay inaan ka fikirno sababta ay deegaankan uga yimaadeen,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Hay’adda.

Waxa uu sheegay in hadii aan tallaabo sax ah laga qaadin in dameeraha ay dalka ku dhamaan doonaan. Hay’addu waxay sheegtay in ninka Shiinaha u dhashay la xiray, baaritaankuna uu socdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here