Senatar katirsan baarlamaanka Kenya oo la xiray

0
42

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Senatar katirsan baarlamaanka dalka Kenya, ayaa la xiray, ka dib markii lagu eedeeyay inuu is daba mariyey ku dhawaad ​​toddobo milyan oo doollar, oo laga lunsaday sanduuqa waxbarashada caalamiga ah.

Jackson Mandago, iyo saddex ruux oo kale, ayaa wajahaya kow iyo toban dacwadood, oo ay ku jiraan xatooyo iyo ku takri fal xafiis.

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa sheegay in cid kasta oo ku takri-fasha dhaqaalaha looggu tala galay Barnaamijka Waxbarashada Dibadda, ee dalalka Finland iyo Canada, ay tahay inay soo celiso lacagtaas, haddii kale ay wajihi doonto cawaaqibka aad u xun.

Wuxuu sheegay in marka baaritaanada la soo gabagabeeyo, uu deeqo waxbarasho oo gudaha ah u fidin doono dadka ay saameysay dhibaatadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here