Manchester City Oo Markii 1aad Ku Guuleysatay UEFA Super Cup

0
39

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa ku guuleystay koobkii afraad ee ay sannadkan qaaddo, waxaanay rikoodheyaal 5-4 ah kaga badisay Sevilla oo xajisan weyday gool ay la hormartay.

Youssef En-Nesyri ayaa Sevilla gool u dhaliyey qaybtii hore, hase yeeshee waxa ka jawaabay oo qaybtii labaad kooxdiisa tubta guusha u jeexay laacibka da’da yar ee Cole Palmer oo shabaqa soo taabtay xilli ay garoonka go’doon ku ahaayeen Erling Haaland iyo xiddigihii laga filayay in ay goolasha dhaliyaan.

Ciyaartan oo lagu dhamaystiray waqtigii rasmiga ahaa ee 90-ka daqiiqadood iyadoo barbarro ah, ayaa rkoodheyaal loo dhigay waxa libinta ku heshay Manchester City oo ku badisay 5-4.

Nemanja Gudelj ayaa Sevilla ka khasaariyey rikoodhihii ugu dambeeyey ee shanaad, taas oo keentay in goolhaye Ederson uu noqdo libaaxa kooxdiisa ee markiiba bilaabay dabbaal-degga naadigiisa, halka Manchester City oo laadka ku horreysay uu laadkii ugu dambeeyey ee shanaad u tuuray Kyle Walker oo ahaa kabtanka Man City ee kulankan.

Manchester City oo hore ugu soo guuleysatay Champions League, Premier League iyo FA Cup ayaa waxay hadda ku darsatay UEFA Supercup, waana markii ugu horreysay taariikhdeeda ee ay ku guuleysato koobkan oo ay sidoo kale ahayd markii ugu horreysay ee ay ciyaarto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here