Pep Guardiola Oo Liiday Manchester United.

0
66

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa sheegay in Manchester United ay aheyd koox daciif ah xilli uu ka hadlayay kulanka UEFA Super Cup ee ay kooxdiisa la balansan tahay Sevilla.

Koobka UEFA Super Cup waxaa isaga horimaanaya kooxda ku guuleysatay Champions League iyo kooxda ku guuleysatay Europa League.

Man City ayaa koobkaan ka qeyb galeysaa markii ugu horeysay abid ka dib markii ay ku guuleysteen Champions League markii ugu horeysay taariikhdooda xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Kooxda Pep Guardiola waxay la ciyaareysaa kooxda ku guuleysatay Europa League ee Sevilla. Kooxda La Liga ayaa koobka ka qaaday Roma oo ay rigoorayaal uga badiyeen.

Wuxuuna ahaa koobkoodii todobaad ee Europa League ee ay ku guuleysteen.

Guardiola oo ka hadlayay ciyaarta ka dhaceysa caasimada dalka Gariiga ee Athens ee UEFA Super Cup, waxa uu ku tilmaamay Man United mid daciif ah xilli iuu u digayay Sevilla.

Tababaraha Citya ayaa yiri: “Ka raali noqdo isla weyneydeyda, waxaa igu jira dareen ah in Manchester City ay ugu cadcadahay ku guuleysiga Super Cup-ka. Waxaan leenahay tayo laakiin dabcan iyagu ma ahan kuwa ugu cadcad koobka. Waxaan daawaday lugtii labaad ee Sevilla vs Man United; Man United waxay aheyd daciiif, Sevilla waa ay xooganeyd.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here