Bayern Munich Oo La Xasuuqay Finalkii German Super Cup.

0
42

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda RB Leizpig ayaa markii ugu horeysay taariikhdooda ku guuleysatay koobka German Super Cup ka dib markii ay 3-0 ku xasuuqeen kooxda heysata horyaalka Bundesliga ee Bayern Munich.

Harry Kane oo hishiis 104 milyan ginni ugu wareegay Bayern Munich maanta ayaa kulankaan lagu soo bilaabay kursiga keydka laakiin xitaa markii uu bedel ku soo galay waa uu ka badbaadin waayay kooxdiisa ceebtii ka soo gaartay Leipzig.

Kane ayaa kursiga keydka ka daawaday kooxdiisa uu kala dhantaalayo Dani Olmo kaasoo labo gool ka dhaliyay qeybtii hore ee ciyaarta.

Qeybtii labaad oo uu Kane bedel ku soo galay Bayern Munich waxba waa ay ka qaban weysay kooxda RB Leipzig oo ay ka go’neyd inay koobkaan ku guuleysato markoodii ugu horeysay.

Dani Olmo ayaana dhameystirtay seddexleydiisa isagoo gool seddexaad ugu shubay qeybtii labaad ee ciyaarta.

Waa ciyaaryahankii ugu horeeyay ee seddexleey ka dhaliya Bayern Munich finalka koob tan iyo markii uu Robert Lewandowski ka dhaliyay waqtigiisii Borussia Dortmund.

RB Leipzig ayaana ku badisay 3-0 oo ay ku xasuuqeen kooxda Bayern Munich oo cashar weyn loo dhigay caawa.

Harry Kane ayaana weli sugaya inuu qaado koobkiisii ugu horeysay abid, madaama uusan koob rasmi ah waligiis ku guuleysanin.

Xiddigii hore ee Tottenham wax koob ah lama qaadin Spurs tan iyo intii uu u ciyaarayay, waxayna riyadiisa aheyd inuu caawa kor u qaado koobkiisii ugu horeysay balse Dani Olmo ayaa yiri waa markeyga ee adiga iska sii sug Bundesligaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here