Iran iyo Mareykanka oo gaaray heshiis horudhac ah oo maxaabiis laysku isweydaarsanayo

0
41

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Sida laga soo xigtay saraakiil Iran iyo Mareykan ah, waxay Iran shan maxbuus oo haysta dhalashooyinka Iran iyo Markanka ka saareysaa xabsiga Evin ee Tehran iyadoo gelineysa xabsi guri si loogu gudbiyo Mareykanka.

Arintan aya qeyb ka ah heshiis Washington iyo Tehran gaareen kaas oo Mareykanka ku sii deynayo dhowr qof oo Iran u dahashay iyo sidoo kale lix bilyan oo doolar oo Iran uga xayirneyd dibadda.

Isbeddelkan ayaa loo arkaa tallaabadii ugu horeysay heshiis adag oo socday dhowr sano ee u dhexeeyay labada dal.

Madaxda Iran ee Qaramada Midoobay ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP in maxaabiis isweydaarsiga ay u tahay tallabo muhiim heshiiska.

Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in hantida Iran ee ku xayirna Kuuriyada Koonfureed ay gaareysay 6 bilyan oo doolar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here