Mali oo qaadday tallaabo ka dhan ah muwaadiniinta Fransiiska

0
67

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Maali ayaa hakisay bixinta fiisaha muwaadiniinta Faransiiska ee safaaradda ay ku leedahay Paris, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi.

War qoraal ah oo ay soo saartay ayay ku sheegtay in tallabadaasi ay ahayd mid looga falcelin ah kadib markii ay “la yaabtay” in Faransiisku u aqoonsaday Mali inay ku jirto “aagga cas” sababo la xiriira xiisadaha gobolka oo xoogan.

Faransiiska ayaa horraantii toddobaadkan hakiyay bixinta fiisaha, wuxuuna xiray xaruntii fiisaha ee safaaradda uu ku leeyahay caasimadda Mali ee Bamako.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here