Poland oo ciidamo dheerad ah geysay xuduuda ay la wadaagto Belarus

0
75

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Poland ayaa laba kun oo askari oo dheeri ah u diraysa xadka ay la wadaagto Belarus iyadoo tirada ugu badan ee muhaajiriinta ay isku dayeen inay ka gudbaan.

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha (Maciej Wasik) ayaa sheegay in ay laba jibaarantay tirada ay codsadeen Ilaalada Xuduudaha.

Waxa uu sheegay in howlgalkan uu yahay mid lagu sugayo xasiloonida iyo joojinta qulqulka muhaajiriinta.

Poland waxay ku eedaysay Belarus inay fududaysay marinka muhaajiriinta Bariga Dhexe iyo Afrikaanka ah ee u badan Poland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here