Eden Hazard Eden Hazard Oo Laga Naxay Xaaladda Uu Ku Jiro

0
110

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga reer Belgium ee Eden Hazard ayaa ugu dambayn ka badbaadaya in uu ciyaaraha ka fadhiisto, waxaana gurmad usoo fidiyey saddex kooxood oo ay mid walba doonayso in ay badbaadiso mustaqbalka ciyaareed ee laacibkan, kaddib laba bilood  oo uu koox la’aan ahaa, taas oo keentay in uu ku fikiro in uu gebi ahaanba ka fadhiisto kubadda cagta.

Eden Hazard oo ay Real Madrid fasaxday bishii June ee sannadkan, isla markaana ay heshiis buuxa ka gaadheen sannad ka hadhsanaa qandaraaskiisa, ayaa waxa hadda uu dalabyo ka helay horyaallada Maraykanka, Brazil iyo Sucuudiga, kuwaas oo uu hadda kala xulanayo.

32 jirkan ayaa la sheegay in waqti uu koox la’aan ahaa kaddib ay hadda isku soo gaadheen saddexda dalab oo uu midkood xulan dooino.

Wargeyska AS ee kasoo baxa waddanka Spain, ayaa sheegay in kooxda Vancouver Whitecaps ee reer Canada, balse ka ciyaarta horyaalka Maraykanku ay dalab ka gudbisay Eden Hazard, iyadoo kooxdaasi hadda kaalinta toddobad kaga jirta tartanka naadiyada galbeedka ee Western Conference, balse waa in heshiiskiisa ay dhamaystirto ka hor Sepember 2 oo ah waqtiga uu suuqau xihdmayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here