Ramsdale Oo Halis Uga Jira In Booska Lagala Baxo.

0
82

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Kooxda Arsenal ayaa dhameystireysa saxiixa goolhayaha reer Spain David Raya oo ay 30 milyan ginni uga soo iibsanayaan kooxda Brentford, waxayna tani weerar toos ah ku tahay goolhayaha Gunners Aaron Ramsdale.

Tababare Mikel Arteta iyo agaasimaha isboortiga Edu ayaa sheegay inuusan jiri doonin goolhaye koowaad oo toos ah taasoo la micno ah in labada goolhaye ay u tartami doonaan booskooda shaxda kooxda.

David Raya uma imaanayo Emirates Stadium keyd u fadhiyo Ramsdale sidaasi darteed tartanka booska goolhayaha ee Gunners waxa uu noqon doonaa mid adag xilli ciyaareedkan.

Waa istiraatiijiyad cusub oo ay Arsenal adeegsaneyso, sidoo kale waxay ku sameeyeen Declan Rice iyo Thomas Partey oo iyagana hal boos u tartami doona.

Goolhayaha Gunners ayaa No. 1 ahaa labadii sannadood ee ugu danbeysay isagoo kooxda kla ceyrsaday Bernd Leno laakiin wuxuu haatan halis ugu jiraa inuu booskaas u waayo David Raya.

Ramsdale oo u hadlayay ITV Sport lana weydiiyay tartanka David Raya ayaa ku jawaabay: “Soo daa tartanka. Waad ogtahay ma jiraan wax sahlan kubada cagta laakiin sidoo kalena waxaad u baahan tahay inaad la qabsato jawi kasta.

“Dad kale ayaan ku soo sameeyay markii aan u wareegay kooxda kale, sidaasi darteed waan ogahay inay anigana igu dhici karto.

“Haddii ay dhacdo way dhacday, markaasna waan dagaalami doonaa, waxaana labadeena iska soo saari doonaa qaab ciyaareedkeena ugu fiican.

“Waan hubaa qof kasta oo ciyaaraba inuusan jiri doonin shaqsi ka xumaado sababtoo ah kooxda ayaa kow inoo ah.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here