Bayern Munich Oo Sarre U Qaaday Dalabkii Harry Kane.

0
116

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Bayern Munich ayaa dalab afaraad oo gaaraya 110 milyan euro ka gudbisay weeraryahanka kooxda Tottenham Harry Kane.

Tottenham ayaa shalay ka soo diiday kooxda Bundesliga ka dhisan dalab gaaraya 100 milyan euro oo u dhiganta 86 milyan ginni.

Kane oo 30 sanno jir ah ayaa doonaya in mustaqbalkiisa la go’aamiyo ka hor kulanka Premier League ee ay Axada la ciyaarayaan kooxda Brentford.

Waxaa haatan la soo jeedinayaa in kabtanka England uu sii joogi karo Tottenham inkastoo qandaraaskiisa uu dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedka.

Sida ay sheegtay idaacada talkSPORT, Bayern Munich ayaa markii afaraad dalab ka soo gudbisay Harry Kane.

Dalabka cusub waa 110 milyan euro laakiin wuxuu weli ka yar yahay lacagta ay dooneyso Tottenham oo gaareysa 117 milyan euro oo u dhiganta 100 milyan ginni.

Kane ayaa la aaminsan yahay inuusan ku qasbeynin Tottenham inay iibiyaan xagaagan, halka madaxda Tottenham aysan walwal ka qabin xaaladiisa.

Kane ayaa qabtan u ahaa Tottenham dhamaan seddexdii kulan ee saaxiibtinimo ee uu ka hoos ciyaaray tababare Ange Postecoglou.

Spurs waxay caawa la ciyaareysaa Barcelona laakiin Kane lama safrin kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here