Real Madrid Oo Shaqada Ka Eryeysa Carlo Ancelotti

0
90

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa laga dalbaday inay shaqada ka erido tababare Carlo Ancelotti, kaddib bahdilaaddii ay kooxaha Juventus iyo Barcelona ku sameeyeen Los Blancos toddobaad gudihii, taas oo cadaadis waqti hore ah ku keenaysa khabiirka Talyaaniga.

Waqti hore oo saaka ah ayay Juventus 3-1 ku karbaashtay Real Madriid kulan ka dhacay garoonka Camping World Stadium ee magaalada Orlando ee waddanka Maraykanka.

Waxa kasii horreysay guul-darro 3-0 ah oo ay Barcelona u xambaarisay, inkasta oo ay labadii kulan ee ka horreeyey ee Manchester United iyo AC Milan ay soo gaadheen, haddana waxa qariyey labada guul-darro ee ugu dambeeyey.

Kaddib markii ay soo dhamaatay ciyaartii Juventus, taageerreyaasha Real Madrid ayaa dalbaday in shaqada laga caydhiyo tababare Carlo Ancelotti oo ay ka cadhoodeen qaabka xulashadiisa iyo shaxdii uu kusoo galay garoonka.

Ancelotti ayaa kusoo blaabay goolhaye Thibaut Courtois oo ay waardiyeynayeen Lucas Vazquez, Antonio Rudiger, Nacho Fernandez iyo Fran Garcia, halka khadka dhexena Luka Modric ay wehelinayeen Toni Kroos, Eduardo Camvinga iyo Jude Bellingham, taas oo ka dhigan in weerarka ay kali ku ahaayeen Vinicius Junior iyo Joselu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here