PSG Oo Go’aan Ka Gaadhay Saxeexa Bernardo Silva.

0
86

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa go’aan ka gaadhay xiddiga lala xidhiidhinayay ee Bernardo Silva oo la sheegay in kooxda reer  France ay doonayso inay la saxeexato, waxaana jirtay in xiddiga  reer Portugal uu aanu doonayn inuu sii joogo Etihad Stadium.

Tababare Pep Guardiola ayaa marar kala duwan saxaafadda au sheegay, in uu la socdo in Bernardo Silva uu mustaqbalkiisu gabi dhaclaynayo oo aanay hubin inuu sii joogayo iyo in kale, waxaana si weyn u doonaysay Barcelona oo illaa xagaagii hore dhawr jeer isku dayday iyo kooxo horyaalka Sucuudiga ah,

Sida uu qoray wargeyska Le Parisien ee kasoo baxa waddanka Faransiiska, PSG ayaa waxay joojisay xiisaheedii Bernardo Silva, kaddib markii ay heshay Ousmane Dembele oo ay kala soo wareegayso Barcelona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here