Barcelona Oo Waqti Kama Dambays Ah U Qabatay Ousmane Dembele

0
71

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa waqti kama dambays ah u qabatay xiddiga reer France ee Ousmane Dembele, si uu u dhamaystiro u wareegistiisa kooxda PSG oo la sheegay inuu la gaadhay heshiis shaqsi ah oo soconaya muddo shan sannadood ah

Xalay saq dhexe ayuu ku egyahay waqtiga uu dhacayo qodobka ku jira qandaraaska Ousmane Dembele ee Barcelona ee sheegaya in €50 milyan oo Euro lagu burburin karayo heshiiskiisa Barcelona.

Heshiiskii uu laacibkani saxeexay sannadkii hore, ayaa waxa uu dhigayay in qandaraaskiisa lagu burburin karayo €50 milyan oo Euro ka hor inta aan la gaadhin saqda dhexe ee July 31, 2023 oo ay saacado kooban ka hadhsan yihiin.

Sidaas oo ay tahay, Barcelona ayaa ogolaatay in ay waqtiga u kordhiso laacibkan si uu si saraaxadleh oo niyad-samaan ah uu ugaga tegi karo, waxaanay waqtiga uu qodobkaasi dhaqangalka yahay ku kordhisay shan maalmood ee dheeraad ah.

Barcelona ayaa waxay xaq u leedahay in ay dalbato €100 milyan oo Euro marka la gaadho saqda dhexe ee caawa, waxaana la isku raacsan yahay in aanay PSG ka gaadhsiin karin dhamaystirka heshiiska Dembele ka hor waqtigaas.

Labada kooxood ayaa waxa hadda u socda wada-hadallo toos ah oo ay kula  kala wareegayaan Ousmane Dembele, waxaana 26 jirkan uu u muuqdaa in uu soo dhamaaday waqtigiisii Camp Nou oo uu ka degayo Parc des Princes.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here