DEG-DEG: UEFA Oo Ganaax Kusoo Rogtay Chelsea

0
85

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa ganaax kusoo rogay kooxda horyaalka Premier League ee Chelsea, waxaana lagu helay inay jabisay sharciga dhaqaale wanaagga ee loo dejiyey ee lagu maamulo ciyaaraha, waxaana la saaray xayiraado adag.

UEFA ayaa waxay shaacisay in ay Chelsea ku heshay dembi culus oo ah inay meel kaga dhacday oo ay jabisay sharciga dhaqaalaha, taas keentay in lagu rido ganaax.

Chelsea oo ay ciqaabteedu soo baxday waxyar kaddib markii ay UEFA ganaaxa ku ridday Juventus oo laga mamnuucay tartamada Yurub, isla markaana lacago malaayiin ah lagu xukumay, ayaa waxa hore la isku weydiinayey sababta loo ganaaxi la’yahay Chelsea oo la ogyahay in ay labadii suuq ee ugu dambeeyey kharash garaysay lacag ka badan £600 milyan oo Gini.

UEFA ayaa war-saxaafadeedka ay soo saartay, waxay ku sheegtay in dembiyada Chelsea ay soo bilowdeen sannadkiii 2012 oo ay muddo dheer kusoo tumanayeen shuruucda dhaqaalaha.

Blues oo hore ganaaxyo loogu riday xilli-ciyaareedkii 2018-19, ayaa waxa ay UEFA ku xukuntay in ay bixiso lacag ganaax ah oo dhan £8.6 milyan oo Gini, maadaama ay ka maqan yihin tartamada Yurub oo dhan aanay kasoo qayb-geli doonin, kaddib markii ay kaalinta 12aad kaga dhamaysatay horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkii hore.a

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here