UEFA Oo Go’aan Kama Dambays Ah Ka Gaadhay Ganaaxa Barcelona Ee Tartanka Champions League

0
125

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa go’aankii ugu dambeeyey kasoo saaray kooxda reer Span ee Barcelona oo lagu soo oogay dacwad la doonayay in laga ganaaxo tartanka Champions League ee xilli-ciyaareedka 2023/24, taas oo walaac badan ku haysay taageereyaasha kooxdan.

Guddida Anshaxa iyo daba-galka ee UEFA ee magacooda loosoo gaabyo EDI, ayaa in muddo ah gacanta ku hayay kiiska Barcelona oo ugu dambayntii ay maanta soo saareen go’aankii laga sugayay.

War-saxaafadeed ay soo saareen guddida anshaxa ayaa lagu sheegay in EDI ay sii wadayso baadhitaannada ay ku hayso kooxda Barcelona, balse ay xaqiijinayaan in hadda loo ogol yahay inay ka qayb-gasho oo ay ciyaarto tartanka UEFA Champions League ee xilli-ciyaareedka 2023/24.

Waxa kale oo ay UEFA sheegtay, in guddida rafcaanka ee xidhiidhka kubadda cagta Yurub ay soo gudbin karaan warbixi lagu xidhayo kiiska Barcelona, marka ay ku qancaan in aanay dacwadda lagu soo oogay kooxdan aanay ku mutaysan karaynin ganaaxyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here