Qaramada Midoobay oo cambaareysay afgambiga Niger.

0
162

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres “si adag ayuu u cambaareeyay is bedelka sharci darrada ah ee dowladda Niger” ayuu yiri afhayeenkiisu Arbacadii.

Arrintan ayaa timid kadib markii ciidamada dalka Niger ay ka shaaciyeen inqilaabka afgambiga uu ka sameeyay Telefishinka dalkaasi, iyagoo sheegay inay u cuskadeen dastuurka dalkaasi, isla markaana ay shaqada ka joojiyeen dhamaan maamulada dalkaasi, isla markaana ay xireen xuduudaha dalkaasi.

Mr Guterres ayaa sheegay in uu aad uga walaacsan yahay xariga madaxweyne Mohamed Bazoum, uuna ka walaacsan yahay xaaladiisa caafimaad, afhayeenkiisa Stephane Dujarric ayaa war uu soo saaray ku sheegay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here