Donald Trump oo mar kale eedeymo wajahaya.

0
78

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa wajahaya eedeymo hor leh,oo ah inuu mid kamid ah shaqaalihiisa ku cadaadiyay inuu tirtiro muuqaal sir ah, xili ay ku sugnaayeengoob uu dalxiiska u tago oo ku taalla gobolka Florida ee waddanka Mareynaka.

Ha yeeshee Trump ayaa iska fogeeyay eedeymahan, isagoo ku eedeeyay madaxweyne Joe Biden iyo waaxda cadaaladda oo uu sheegay inay ugaarsanayaan.

Trump ayaa hore u wajahayay 37 dacwadood oo lagu soo oogay, waxaana haatan dacwadaha guud ee loo haysto gaareen ilaa 40.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here