WHO oo war hor leh ka soo saartay Xaalada Suudan.

0
53

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ka digaysa qalalaasaha bini’aadantinimo ee sii xoogaysanaya ee ka taagan Suudaan halkaas oo in ka badan saddex-meelood laba meel cisbitaallada dalkaas aysan shaqeyneynin.

Waxaa isa soo taraya warbixinada ku saabsan weerarada lagu qaaday xarumaha caafimaadka iyo shaqaalaha. Waxa ay sheegtay in boqollaal kun oo ka soo cararay rabshadaha oo xudduudaha ka tallaabay, ay noloshoodu weli tahay mid khatar ah.

Sida laga soo xigtay WHO, cudurrada dillaacay – oo ay ku jiraan duumada, jadeecada iyo dengue – oo si wanaagsan loo xakameeyay ka hor iskahorimaadka hadda jira, ayaa sii kordhaya sababo la xiriira carqaladaynta adeegyada aasaasiga ah ee caafimaadka bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here