Premier League Oo Shaaciyey in tirada Kooxaha Laga Dhigay 26 Naadi.

0
70

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa isbeddel weyn lagu samaynayaa, waxaana loo ogolaanayaa in la kordhiyo tirada kooxaha kasoo qayb-gelaya oo laga dhigayo 26 kooxood xilli-ciyaareedka dhowaanta bilaabtaya ee 2023/24.

Maamulka horyaalka Premier League ayaa ansixiyey in sare loo qaado kooxaha horyaalka Premier League 2 ka qayb-gelaya oo hore u ahaan jiray 14 naadi oo Devision One ah iyo 11 kooxood oo Division 2 ah, kuwaas oo laba ka mid ah ay heerka labaad u noqonayaan, labana soo dallacayeen.

Isbeddelka cusub ayaa waxa uu ka dhigan yahay, in 26 kooxood ay noqonayan naadiyada heerka labaad oo kala ah da’yarta kooxaha Arsenal, Aston Villa, Blackburn, Brighton, Chelsea, Crystal Palace, Derby, Everton, Fulham, Leeds, Leicester, Liverpool, Manchester City, Manchester United, Middlesbrough, Newcastle, Norwich, Nottingham Forest, Reading, Southampton, Stoke, Sunderland, Tottenham, West Brom, West Ham iyo Wolves.

Waxa kale oo la beddelay qaabka loo ciyaarayo oo hore u ahaa in koox walba mar garroonkeeda ay kula ciyaarto kooxda kale, haddana waxa loo guurayaa in naadiyada loo qaybiyo shan hormo, iyadoo lagu sallaynayo sidii ay u kala fiicnaayeen saddexdii xilli-ciyaareed ee ugu dambeeyey

Shanta kooxood ee ku wada jira hormo kasta ayaa mid walba ay waajihi doontaa kooxda kale oo marna gurigeeda lagu soo booqnayo marna guriga kale la isla tegayo, kaddibna waxa soo gudbaya 16ka kooxood ee ugu sarreeya hormooyinka oo iyagana loo samaynayo isku-aad si toos ah ay ugu soo kala gudbayan oo laba-walba ay midkood hadhayso.

Jadwalka iyo isbeddelka ayaa si rasmi ah loo samayn doonaa maalinta Isniinta ee toddobaadka dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here