Liverpool Oo Shan Ciyaartoy Oo Uu Ku Jiro Tchouameni U Calaamadsatay Beddelka Jordan Henderson

0
64

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa calaamadsatay shan ciyaartoy oo ay u doonayso inuu midkood noqdo beddelka kabtan Jordan Henderson oo la sheegay in uu heshiis la gaadhay kooxda horyaalka waddanka Sucuudiga ee Al-Ettifaq oo la filayo inuu saacadaha  soo socda si rasmi ah uga dego.

Henderson oo ay da’diisu tahay 33 jir ayaa waxa uu ka hoos ciyaari doonaa Steven Gerrard oo tababare u ah kooxdaas, waxaana uu sidaas kusoo afjarayaa 12 sannadood oo uu Liverpool ka tirsanaa, waxaana jiidatay lacagta waallida ah ee ay kooxdaasi u bandhigtay oo ah mushahar toddobaadkii noqonaya £700,000 Gini.

Liverpool ayaa sidoo kale luminaysa laacibka khadka dhexe ee Fabinho oo heshiis la gaadhay Al-Ittihad balse aanay wali labada kooxood si buuxda uga heshiinin qiimaha.

Reds oo hore ula soo wareegtay Alexis Mac Allister iyo Dominik Szoboszlai oo isku-darkooda ay kasoo bixisay £95 milyan oo Gini, ayaa waxay beddelka Fabinho u dooratay Romero Lavia oo ay wada-hadallo toos ah kula jirto, inkasta oo Southampton ay soo diiday dalabkii koowaad.

Waxa kale oo ay Liverpool hadda xulatay shan ciyaartoy oo ay doonayso in midkood uu noqdo beddelka Jordan Henderson, waxaana kaalinta koowaad ku jira xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Real Madrid iyo xulka France ee Aurelien Tchouameni.

Afarta ciyaartoy ee kale ayaa waxay yihiin Cheick Doucoure oo Crystal Palace khadka dhexe uga ciyaara, Ryan Gravenberch oo Bayern Munich ah, Kalvn Phillips oo Manchester City ah iyo Sofyan Amrabat oo Fiorentina u dheela balse la sheegay in Manchester United uga dhowdahay heshiiskiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here