Talibaan oo xirtay goobaha gabdaha lagu qurxiyo.

0
68

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kumanaan goobaha dumarka lagu qurxiyo ee Afgaanistaan ​​oo dhan ayaa si buuxda loo xiray iyadoo uu dhamaaday waqtigii ay Taliban u qabteen.

Waxa ay amarkan soo saareen bishii hore, iyaga oo ku tilmaamay qurxinta sida sunniyaha ama la jaro iyo indho-furka mid ka baxsan diinta Islaamka.

Taalibaan ayaa sidoo kale sheegtay in qoysaska lammaanaha is guursanaya ay ku kaceen kharashaad aan loo baahnayn iyaga oo bixinaya adeegyada qurxinta dumarka.

Todobaadki hore, ilaalada Talibaan ee Kabul waxay isticmaaleen biyo xoogan si ay u kala eryaan dibadbaxayaal kasoo horjeeda go’aanka.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay ka shaqaynayso sidii xayiraadda loo qaadi lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here