Man United Oo Ka Adkaatay Arsenal.

0
72

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Man United ayaa guul 2-0 ah ka gaadhay dhigeeda ay Premier League ku xifaaltamaan ee Arsenal ciyaar kamida kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka ee ka dhacaya dalka Maraykanka

Kulankan ka dhacay gegida MetLife ayay labada gool ee ay Man United ku adkaatay u kala dhaliyeen Bruno Fernandes iyo Jadon Sancho qaybtii hore.

Arsenal vs Man United - pre-season: Live score, team news and updates with Kai Havertz in line to make his first start for the Gunners against the Red Devils | Daily Mail

Kulanka ayaa ku bilawday fursad fiican oo goolka loo hor dhigayo Antony balse darbo jilicsan oo uu laagay ayaa hareer martay goolka Arsenal.

Arsenal ayaa heshay fursad weyn, kubad si fiican looga soo shaqeeyay ayaa goolka loo hordhigay Gabriel Martinelli oo laba jeer oo uu goolka ku laagay labadaba uu ka badbaadiyay goolhaye Tom Heaton.

Bruno Fernandes ayaa goolka furitaanka dhaliyay daqiiqadii 30-aad, Bruno oo kulankiisii koowaad kabtanka rasmiga ah ee Red Devils ah ayaa kubad xerada ganaaxa ka baxsan geeska midig ee garoonka darbo lugta bidix ah oo gantaal ah la beegsaday shabaqa Ramsdale.

Manchester United 2-0 Arsenal: Red Devils win New Jersey friendly - BBC Sport

Isla daqiiqadii 37-aad ayay Manchester heshay goolka labaad, Jadon Sancho ayaa kubad loo furay xawaare kaga tagay daafacyada Gunners isagoo goolka Ramsdale darbo xagal sarre ah dhinaca midig kaga beegsaday.

Qaybta dambe ee kulanka ayay Arsenal heshay fursado gaar ahaan Kai Havertz, Eddie Nketiah iyo Smith Rowe balse ma awoodin inay gool la gaadhaan shabaqa Manchester.

Saxeexa 105 Milyan ee pound ah ee Arsenal ee Declan Rice ayaan markale si fiican u muuqan si lamid ah Kai Havertz.

Dhinaca Manchester waxa markale la amaanayaa da’yarka khadka dhexe ee Kobe Mainoo oo si fiican usoo dhalaalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here