Nin looga shakiyay in uu xaday Rooti oo nafta la dhaafiyay.

0
78

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Waxaa la ogaaday in wiilkan dhalinyarada ah ay toorey ku ku dhufteen dhalinyaro kale ilaa uu ka geeriyoodo, iyadoo looga shakiyay inuu xaday rooti, ​​waxaana uu qabay xanuun dhanka maskaxda ah.

Tani waxaa xaqiijiyay qaar ka mid ah qaraabada iyo deriska Ebimotimi Freeborn Opuofoni.

Ebimotimi Freeborn waa qof u dhashay dalka Nigeria.

Waligiis ma guursan, mana shqeyn jirin inkastoo uu ka qalin jabiyay jaamacada 2018, halkaas oo uu ganacsiga ku bartay Jaamacadda Lead City University ee Ibadan ee Gobolka Oyo.

Ehelka iyo qaraabada, Kenneth Amewuga ayaa sheegay in Freeborn uu ahaa nin dadaal badan oo ka qalin jabiyay jaamacad isagoo helay natiijooyin aad u wanaagsan.

Amewuga ayaa sheegay in uu la yaabay in dadka ay mindi la dheceen Freeborn ilaa dhimashadiisa, sababtuna ay tahay in uu wax qaatay.

Qof kale oo ku nool meel u dhow halka ay wax ka dheceen, ayaa sheegay inuu maqlay Freeborn oo si aad ah u baryaya in la caawiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here