Aubameyang Oo Ka Degay Faransiiska & Khasaaraha Kasoo Gaaray Chelsea.

0
50

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga reer Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa soo afjaray waqti adag oo uu kusoo qaatay Chelsea oo uu muddo hal xilli ciyaareed ah ku dhibaatooday, waxaana uu ka degay naadiga Marseille ee horyaalka waddanka Faransiiska.

Chelsea ayaa aqbashay inay bilaash kusii deyso Aubameyang oo ay sannad ka hor kasoo iibsatay Barcelona, balse uu sidii laga filayay u saldhigi waayey Stamford Brridge.

34 jirkan ayaa ka mid ahaa saxeexyadii uu Todd Boehly keenay Stamford Bridge, iyadoo ay dib u midoobeen Thomas Tuchel oo ay waqti dahabi ahaa kusoo wada qaateen Borussia Dortmund, ka hor intii aanu laacibkani u wareegin Arsenal oo uu si degdeg ah u saldhigay, isla markaana ka noqday kabtan.

Xaaladda Pierre-Emerick Aubameyang ee Chelsea ayaa isbeddeshay markii iyada oo uu horyaalku bilow yahay la eryey Thomas Tuchel, halka isaguna uu 21 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu intooda badan daqiiqado kooban garoonka ku jiray uu u ciyaaray Chelsea, isaga oo u dhaliyey saddex gool.

Aubameyang ayaa Salasadii kusoo laabtay xarunta Chelsea ee Cobham kaddib maalmo fasax uu ku maqnaa, waxaanay kulmeen Mauricio Pochettino oo u sheegay in aanu ku jirin qorshihiisa ciyaareed, xilli ay ciyaartoyda kooxdaasi u duulaysay waddanka Maraykanka.

Aubameyang ayaa noqonaya ciyaartoyga ugu weyn ee hoggaamin doona weerarka Marseille isaga oo ka garab ciyaari doona Alexis Sanchez iyo Matteo Guendouzi oo ay hore ugu soo wada ciyaareen Arsenal.

Bixitaanka Aubameyang ayaa waxa uu khasaare ku yahay Chelsea oo ciyaartoygan oo ay 10 bilood ka hor kusoo iibsatay 13 milyan oo Gini ay hadda iskaga dirtay bilaash iyadoo aan wax lacag ah ka helin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here