Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Maanta Oo Jimce Ah

0
92

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Harry Kane ayaan wax heshiis kordhin ah u samayn doonin Tottenham isagoo u furnaan kara ku biirista Bayern Munich. (Times – subscription required)

Kane ayaa ka fikiri doona inuu Tottenham ka tago xagaagan haddii kooxdu aqbasho dalab laga soo gudbiyay balse kuma qabsi doono in la iibiyo. (ESPN)

Danjuma, garabka weerar ee kooxda Villarreal ayaa qaab amaah ah ugu biiraya Everton. (Sky Sports)

Aston Villa ayaa heshiis la gaadhay garabka Bayer Leverkusen ee Moussa Diaby. (Birmingham Live)

Tottenham ayaa khadadka dhexe ee Chelsea iyo Aston Villa ee Gallagher iyo Douglas Luiz u aqoonsatay bedelka Pierre-Emile Hojbjerg oo wadahadalo kula jira Atletico Madrid. (Mail)

Manchester City ayaa ka fikiraysa 20 sano jirka kooxda Lyon ee Bradley Barcola inuu bedel u noqdo xiddiga Al Ahli ku wajahan ee Riyad Mahrez. (90min)

Paris St-Germain ayaa sidoo kale isha ku haysa Barcola. (Le Parisien – in French)

Manchester United ayaa dalabkeedii koowaad ka gudbinaysa weeraryahanka Atalanta ee Rasmus Hojlund oo ay sidoo kale doonayso PSG. (Fabrizio Romano)

David de Gea ayaa dalab 5 Milyan oo euro ah ka diiday Inter Milan isagoo 32 sano jirkaasi doonaya mushahar 10 Milyan oo euro marka cashuurta laga jaro ah kaddib markii laga fasaxay Manchester United. (Daily Record)

Bayern Munich garabkeeda weerar ee Sadio Mane ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Al Nassr. (90min)

Fulham tababaraheeda Marco Silva ayaa kooxda Al-Ahli ka helay dalab laba sano ah oo uu 40 Milyan oo pound guud ahaan ku qaadanayo. (Sky Sports)

Al-Ahli agaa sidoo kale bartilmaameedsanaysa khadka dhexe ee Arsenal ee Thomas Partey. (Mail)

Brighton ayaa ku dhaw saxeexa daafaca kooxda Fiorentina ee Igor Julio. (Telegraph – subscription required)

Paris St-Germain khadkeeda dhexe ee Marco Veratti ayaa bartilmaameed macquula u ah Liverpool. (Guardian)

Haddii PSG iibiso Kylian Mbappe xagaagan waxay degdeg ugu dhaqaaqi doonaan xiddiga Man City ee Bernardo Silva. (Mundo Deportivo – in Spanish)

Manchester City ayaa ka fikiraysa inay 120 Milyan oo euro ku doonato Marco Barella oo Inter Milan ka tirsan haddii Bernardo Silva tago Paris St-Germain. (TuttoMercato – in Italian)

Manchester United ayaa u furan inay heshiis rasmi ah siiso daafaca 35 sano jirka ah ee Jonny Evans oo heshiis gaaban ugu soo laabtay. (ESPN)

Erik Ten Hag, tababaraha Man United ayaa u sheegay Harry Maguire inuusan doonayn inuu ka tago kooxda kaddib markii masuuliyadii kabtanimo laga qaaday. (Talksport)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here