Booliska Jarmalka oo war hor leh ka soo saaray ‘Libaaxa’ Berlin

0
85

Jowhar ( Radio Isnaay ) -Maamulka Jarmalka ayaa joojiyay baadigoobka xayawaan looga shakisan yahay libaax ka dib markii ay waayeen wax cadeyn ah oo muujinaya in jiraan Libaax baxsaday.

Booliiska ayaa baadi goobayay in ka badan hal maalin ka dib markii xubno ka tirsan dadweynaha ay ku wargaliyeen in xayawaanka duurjoogta ah uu jooga magaalada – laakiin ma helin wax raad ah.

Ka dib markii ay la hadleen khubarada, waxay hadda rumaysan yihiin in xayawaanku uu yahay xayawaan kale oo uusan ahey Libaax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here