Waa Kuma Xiddiga Man United Doonayso Ee Kooxdiisa Kula Doodaya In Laga Iibiyo?

0
79

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Weeraryahanka kooxda Atalanta ee Rasmus Hojlund ayay wararku sheegayaan inuu ku cadaadinayo kooxdiisa in laga iibiyo kooxda uu heshiiska shaqsiga ah bilo kahor la gaadhay ee Man United.

Man United ayaa dalab 40 Milyan oo pound ah ka gudbisay weeraryahanka ree Denmark balse waxa deg-deg usoo diiday Atalanta oo ku qiimaynaysa lacag ku dhaw laba jibaarka intaas.

Image

Hojlund ayaa heshiiska shaqsiga ah mudo dheer kahor la meel dhigay Manchester oo uu sheegay inuu xataa shaqsiyan taageere u yahay isagoo ku xisaabtamayay in labada kooxood dhinacooda ka heshiiyaan.

Laakiin iyadoo Atalanta diidan tahay inay kasoo daadagto qiimaha ay ku doonayso 20 sano jirkaas ayay jirtaa fursad dhab ah oo ay Red Devils kaga dhaqaajin karaan heshiiskan gabi ahaanba.

La Gazzetta dello Sport, wargeyska kasoo baxa Talyaaniga ayaa sheegaya in Hojlund cadhadiisu sii kordhayso isla markaana uu wakiiladiisa u sheegay inay ku cadaadiyaan Atalanta in laga iibiyo Manchester.

Dhinaca kale saxafi Alfredo Pedulla ayaa sheegaya in tababare Erik Ten Hag shaqsiyan la dhacsan yahay Hojlund isagoo u arka mid ku haboon shax ciyaareedkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here