War Cusub Oo Kasoo Kordhay Joshua Kimmich.

0
109

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa ugu dambayntii ka dhigtay Joshua Kimmich ciyaartoy aan lama-taabtaan u ahayn, waxaanay ku dareen liiska ciyaartoyda ay doonayaan inay qayb ka noqdaan isbeddellada lagu samaynayo kooxda, iyadoo la dhigayo suuqa iibka ciyaartoyda.

Laacibkan boosaska badan ka dheela ayay kooxdiisa Bayern Munich diyaar u tahay inay iibiso, sida ay ku warramayaan sxaafadda waddanka Germany, waxaana warkan farxad uu u noqdo Barcelona oo durba ka shaqaynaysa sidii ay ula saxeexan lahaayeen.

Wargeyska Kicker ee kasoo baxa waddanka Germany ayaa waxa uu sheegay, in Bayern Munich ay lix boos isbeddel ku samaynayso safkeeda, isla mrkaana ay qiimaynayso xaaladda lix ciyaartoy oo khadka adhexe ah oo ay isbeddello ku samaynayso.

Kicker ayaa intaa ku daray, in Bayern Munich ay doonayso in Joshua Kimmich ay lacag iyo ciyaartoy kaga beddellato Barcelona, waxaana ciyaartoygaas lagu sheegay inuu yahay Oriol Romeu oo ay Barcelona shalay kala soo wareegtay Girona, iyadoo kaliya shan milyan oo Euro kasoo bixisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here