Ethiopia oo oo dib usoo celisay isticmaalka baraha bulshada.

0
47

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ethiopia ayaa u ogolaatay dadka reer itoobiya inay isticmaalaan baraha bulshada sida Facebook, Telegram, TikTok iyo YouTube markii ugu horeysay muddo shan bilood ah.

Joojinta ayaa la soo rogay 9-kii bishii February ee sanadkan kadib markii ay xiisad ka dhex aloosantay kaniisada Orthodox ee Ethiopia iyo dowladda.

Kaliya kuwa haysta software-ka shabakada gaarka loo leeyahay (VPN) ayaa geli karayey aaladaha warbaahinta bulshada – Taas oo qiime dheeri ah ugu kaceysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here