Shil baabuur oo ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Wadanka Itoobiya.

0
48

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – 13 qof ayaa ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay waqooyiga magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya. Dadkaas waxaa ka mid ahaa hooyo iyo afar carruur ah oo ay dhashay, oo kan ugu yar uu jiray hal sano, sida ay booliisku u sheegeen BBC.

Xaalada wadada ayaa la sheegay in ay liidato.

Shilkan ayaa yimid kadib markii gaari nuuca xamuulka ah oo siday hadhuudka bacriminta beeraha uu jiiray gaari yar kadibna uu ku dhacay labo gaari oo kale, sida uu sheegay taliyaha booliska deegaanka Dagam oo lagu magacaabo.

“In ka badan 20 sano oo aan booliis ahaa, weligey ma arag shil aad u xun midkan, soo saaridda meydadka ayaa sidoo kale ahayd mid aad u adag,” ayuu sarkaalku ku daray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here