Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Cristiano Ronaldo ayaa warbaahinta la hadlay kaddib guuldarro bahdil ah oo 5-0 ah oo kooxdiisa Al Nassr kasoo gaadhay kooxda ree Spain ee Celta Vigo kulankoodii saaxiibtinimo ee ugu horreeyay ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka.
Ugu horreynya Cristiano oo wax laga weydiiyay haddii uu horyaalada Yurub ku laabanayo ayaa sheegay inuu albaabkaasi xidhmay wakhtigiisii Yurubna soo dhammaaday isagoo dhinaca kale qaba in kubadda cagta Yurub hoos u dhacday.
“Kuma laaban doono kubadda cagta Yurub, albaabku wuu xidhan yahay. Waxaan ahay 38 sano jir sidoo kale kubadda Yurub waxay lumisay tayo badan, horyaalka kaliya ee saxda ahi waa Premier League, in badan ayay ka horreeyaan dhammaan horyaalada kale”.
Dhinaca kale Cristiano ayaa qaba in hal sano gudaheed horyaalka Sucuudigu ka wanaagsanaan doono qaar kamida horyaalada Yurub isagoo dhinaca kale ku faanay in horyaal kasta oo uu tago uu kor u kaco.
“Hal sano gudaheed ciyaartoy badan oo badan ayaa iman doona Saudi. Hal sano gudaheed horyaalka Sucuudigu wuxuu ka wanaagsanaan doonaa kuwa Turkish-ka iyo Dutch-ka”.