Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Weeraryahanka reer England ee Marcus Rashford ayaa heshiis cusub oo shan sannadood ah u saxeexay kooxdiisa Manchester United, waxaana uu sii joogi doonaa illaa laga gaadhayo sannadka 2028.
Bil ka hor ayaa la sheegay in la dhamaystiray heshiiska Marcus Rashford iyo Manchester United, hase yeeshee waxa ugu dambayntii heshiiska si rasmi ah loo saxeexay maanta.
Sidii aanu idiinku soo gudbinay wararkayagii hore, Marcus Rashford ayaa noqon doona ciyaartoyga ugu mushaharka badan Manchester United, waxaana uu beddelayaa David de Gea oo ka tegay Manchester United, halka horyaalka Premier League ay kaliya ka mushahar badnaanayaan xiddigaha Manchester City ee Erling Haaland oo toddobaadkii mushahar u qaata £865,000 Gini iyo Kevin De Bruyne oo usbuucii u xaadira £400,000 Gini.
Marcus Rashford ayaa waxa uu mushaharkiisa Manchester United noqon doonaa £375,000 Gini, waxaana ku xigaya Jadon Sancho oo mushaharkiisa toddobaadkii uu yahay £350,000 Gini iyo Casemiro oo toddobaadkii qaata £300,000 Gini.
Halkan kaga bogo mushaharka ay qaataan ciyaartoyda Manchester United
30. Teden Mengi – £5,000 toddobaadkii
29. Anthony Elanga – £5,000 toddobaadkii
28. Facundo Pellistri – £20,000 toddobaadkii
27. Amad Diallo – £29,000 toddobaadkii
26. Tom Heaton – £42,000 toddobaadkii
25. Alejandro Garnacho – £50,000 toddobaadkii
24. Scott McTominay – £60,000 toddobaadkii
23. Brandon Williams – £65,000 toddobaadkii
22. Tyrell Malacia – £75,000 toddobaadkii
21. Mason Greenwood – £75,000 toddobaadk