Shirka agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Hirshabelle oo lagu qabtay Jowhar

0
35

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta daah furay Madasha Wadatashiga Agaasimayaasha guud, Xiriiriyeyaasha Mashaariicda iyo Lataliyeyaasha sare oo looga hadlayay dardargelinta howlaha hortabinta u leh Hirshabeelle.

Madaxweynaha oo kulankaan ay ku wehliyeen qaar kamid ah Golaha Wasiirada ayaa intii uu socday waxaa si qota dheer looga hadlay dhisidda nidaam wax ku ool ah ee xiriirka iskaashiga Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha, Hay’addaha Dowladda, Caqabadaha iyo fursadaha ku xeeran geedi socodka Dowlad dhiska Hirshabeelle, Dib u eegista fulinta halbeegyada howlaha afarta tiir ee barnaamijka Xukuumada, iyo Ka mira dhalinta barnaamijyada ay hay’addaha Dowladda la fuliyaan saaxibada beesha Caalamka.

Warbixintan Waxaa Inoo Soo jeedinaya : – Maxamed Abuukar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here