Erdogan oo wax ka badalay siyaasaddii ku wajahnayd Reer Galbeedka.

0
67

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa todobaadkan qaaday tallaabo weyn oo uu ku xoojinayo xiriirka dalkiisa uu la leeyahay reer Galbeedka.

Wuxuu badalay hannaanka siyaasadda, isagoo si degdeg ah u sameeyay qaabkii uu u xalin lahaa dhibaatada dhaqaale ee daba dheeraatay, ee ka sii dareysa ee dalkiisa uu la ildaran yahay.

Erdogan ayaa isniintii ka yaabiyay xulafadiisa isbaheysiga militariga ee NATO, markii uu si lama filaan ah uga tanaasulay diidmadiisa codsigii Sweden ee ahaa in ay ku biirto isbaheysiga militariga.

Saacado ka hor inta uusan imaan dalka Lithuania, Erdogan waxa uu dhalleeceeyay Sweden inay ku guuldareysatay in ay wax ku filan ka sameyso joojinta argagixisada, waa sida uu hadalka u dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here