Mason Mount Oo Dirba Isku Diray Taageerayaasha Man United.

0
98

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Man United ayaa difaacday Mason Mount kadib markii la helay muuqaal muujinaya isaga oo taageerayaasha Man United u diidan in uu siiyo saxiixiisa.

Mount oo chelsea ugu soo biiray 60 milyan oo euro todobaadkii hore ayaa dhawaan kooxda u ciyaaray kulankiisii ugu horeeyay guushii ay ka gaadheen Leeds.

Taageerayaasha man United ayaa si weyn ugu farxay saxiixda xiddiga waxana jirtay taageerayaal badan oo waydiistay saxiixiisa iyaga oo soo qaatay maaliyadiisa kooxda.

Laakiin waxa la helay muuqaal xiddiga oo diidan in uu taageere u saxiixo maaliyada kooxda kuna leh “Anigu ma saxiixayo taas, ka hor inta uuna raali galin ka bixin, 3-dii maalin ee ugu dmabaysya waxba ma saxiixin ma garanayo sababta aad u soo laabanaysaan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here