Kuleyl daran oo ku dhuftay dalka Maraykanka.

0
107

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – In ka badan 100 milyan oo qof ayaa halis ugu jira kulaylka ba’an oo khamiistii maanta si baahsan ugu dhuftay gobollada koonfureed ee dalka Maraykanka, iyadoo waddanku uu la tacaalayo heer kulka cimilada oo aad u sareeya oo la saadaalinayo.

Kulaylka ayaa la filayaa inuu ka sii daro dhammaadka isbuuca. Meelaha qaar – sida Dooxada Death, California iyo Phoenix, Arizona – heerkulku waxa la filayaa in uu gaaro ilaa 50C dhawrka maalmood ee soo socda.

Dhanka kale mowjado kuleylo ah ayaa ka socda qeybo ka mid ah koonfurta Yurub iyo waqooyi-galbeed Afrika, iyadoo heerkulku uu aad uga sii dari karo maalmaha soo socda.

Heerkulka ayaa la filayaa inuu dhaafo 40C (104F) qaybo ka mid ah Spain, France, Greece, Croatia iyo Turkey.

Talyaaniga, heerkulku wuxuu gaari karaa ilaa 48.8C (119.8F).

Digniin ayaa loo jeediyay 10 magaalo oo ay ku jiraan Rome, Bologna iyo Florence.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here