Madaxa Facebook oo u tababaranaya sidii uu ula dagaali lahaa dhiggiiisa Twitter.

0
44

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddigga u dhashay dalka Nigeria ee ciyaara dagaalka isku dhafka ah (MMA) Israel Adesanya ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay sawiro muujinaya isaga oo tababaraya bilyaneerka reer Mareykan ee lagu magacaabo Mark Zuckerberg.

Waxay ku soo beegantay kahor ciyaarta xayntaabka ee u dhexeeysa madaxa shirkadda Meta, oo leh Facebook iyo Instagram, iyo ninka ay xafiiltamaan ee Elon Musk – ganacsadaha ku dhashay Koonfur Afrika oo hadda madax ka ah Twitter.

“Labadeenaba waxaa na sugaya Koonfur Afrikaan aan meel iska saari rabno,” Adesanya ayaa sidan ku dhawaaqay Khamiista, isaga oo sidoo kale soo raaciyay afar sawir oo labada ciyaaryahan ah.

Adesanya ayaa u safray hoyga Mr Zuckerberg ee waqooyiga California si ay u bilaabaan tababarkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here