Liverpool Oo Isbeddel Ku Samaysay Lambarrada Ciyaartoydeeda.

0
80

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa si rasmi ah u shaacisay isbeddelka ay ku samaysay lambarrada ay xidhanayaan xiddigaheedu xilli-ciyaareedak 2023/24, inkasta oo uu mar kale isbeddel ku iman karayo oo ay jiri karayaan ciyaartooyo cusub oo iman doona Anfield iyo kuwo baxaya.

Liverpool ayaa waxay shaacisay, in xiddiga reer Uruguay ee Darwin Nunez ay ka beddeshay lambarkiisii No.27 ee uu xidhnaa xilli-ciyaareedkiisii koowaad oo uu la wareegay midkii uu bixiyey Roberto Firmino ee No.9 oo si xor ah ugu wareegay horyaalka waddanka Sucuudiga.

Darwin Nunez oo xilli-ciyaareedkii hore ku cusba horyaalka Premier League ayaa la kulmay caqabado badan oo ahaa casaan, ganaaxyo dhawr kulan ah, dhaawacyo iyo la-qabsigiisa kubadda Ingiriiska oo waqti ku qaadatay.

Liverpool oo ay sidoo kale ka tageen Naby Keita, James Milner iyo Oxlade-Chamberlain ayaa waxa kale oo go’aan gaadhay kabtan Jordan Henderson oo u wareegaya kooxda Al Ettifaq ee waddanka Sucuudiga iyo Fabinho oo isagana ay u yeedhanayso kooxda Al-Ittihad ee Sucuudiga ee hore u qaadatay Karim Benzema iyo N’Golo Kante.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here